Isbitaalka Magaalada Baladweyne oo amar shabaab ka soo baxay lagu xeray.
Bartamaha (B/Weyne):-Isbitaalka guud ee Magaalada Baladweyne Gobolka Hiiraan ayaa loo xeray amar alshabaab dul dhigeen Maamulka Isbitaalkaasi .
Kooxda Shabaab Maamulkeeda Magaalada Baladweyne ayaa soo saaray amar culus oo dusha ay ka saareen Maamulka Isbitaalka Magaaladaasi iyo Hay’ada MSF oo maamulka guud u haysa Isbitaalkaasi.
Sida qaar ka mida Howlwadeenada ay Bartamaha Media u sheegeen waxaa Maamulka Alshabaab ay dalbadeen in Hay’ada MSF ay bixiso bishii lacag ka badan 10.000-$ taasi oo cules ku noqotay Isbitaalka.
Hay’ada MSF maamulkeeda oo dibad joog ka ah Baladweyne ayaa waxa ay toos u diideen in ay bixiyaan lacagta la dul dhigay taasi oo keentay in wadaada maamula baladweyne ay diidaan shaqada isbitaalka oo sii socota.
Dhammaan Isbitaalka Shaqaalihii joogay ayaa shaqada isaga tagay waxaana taasi ay sababtay in howsha isbitaalka ay istaagto iyadoo Ciidanka Alshabaab ay dhowr jeer gaareen xarunta Isbitaalka guud ee Magaalada Baladweyne.
Isbitaalka oo hadda u xeran dalabka dhaqaale ee alshabaab ayaa waxaanan la ogayn cida dabiibo doonta dadkii ka kala imaan jiray guud ahaan Gobolka Hiiraan kuwaasi oo caafimaad u soo raadsan jiray Isbitaalka Guud ee Baladweyne oo ay maalgalin jirtay MSF.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika
Comments
comments