Calendar

Isbahaysiga NATO oo ugu baaqay dowladaha Turkiga Iyo Giriiga in ay balaariyaan la dagaalanka Kooxaha Burcad badeeda.

gaashaanbuurttaBartamaha(Ankara):-Gaashaanbuurta Nato ayaa ugu baaqday Dowladaha Turkiga iyo Giriiga in ay xoojiyaan la dagaalanka Kooxaha Burcad badeeda Xeebaha Soomaaliya.

Xoghayaha guud Ee Isbahaysiga Nato oo kulan kula qaatay shalay Magaalada Istanbul Saraakiisha Madaxda ka ah la dagaalanka Kooxaha Burcad Badeeda Ee ka soo kala jeeda Wadamada Turkiga iyo Giriiga.

Mr.Andurus ayaa saxaafada la hadlay ka dib kulanka uu la yeeshay Saraakiisha Labada wadan isagoo ugu baaqay Wadamadaasi in ay awood xoogan isugu geeyaan ka qeybqaadashada la dagaalanka Burcad badeeda.

Xoghayaha guud Ee Nato ayaa ka dalbaday dhammaan wadamada ay Ciidamada ka joogaan Xeebaha Soomaaliya in ay sameeyaan howlgal lagu soo afjarao Burcad badeeda Xeebaha Soomaaliya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: