Isaias Afwerki oo Canbaareeyay Ciidamada AMISOM
Shabelle:Madaxweynaha dowlada Eritrea Isaias Afwerki ayaa canbaareeyay howlagalka ee midowga Africa ee Soomaaliya isagoo sheegay in wadamada Uganda iyo Burundi Ciidamada ka yimid ay dhibaato ka taagan tahay wadamadooda.
Â
Madaxweynaha dowlada Eritrea Isaias Afwerki oo warysi gaarha xarunta wadankaasi ee Asmara ku siiyay idaacada Shabelle ayaa waxaa uu canbaareeyay dowrka ciidamada AMISOM isagoo ku sheegay in wadana Soomaaliya aysan u joogin nabad illaalin.
Â
Madaxweyne Isaias ayaa waxaa uu sheegay imaatiinka ciidamada ka socda wadamada Uganda iyo Burundi uu kaalmo u ahaa ciidamadii Ethiopia ee Soomaaliya ku soo duulay Sanadkii 2006-tii oo markaasi kaalmo Military ka helayay maamulkii dhacay ee wadanka Mareykanka ee Bush.
Â
Isaias Afwerki waxaa uu sheegay in ciidamdaaasi aaney aheyn kuwo u ogol dadka Soomaaliyeed in ay wada hadlaan oo ay aayahooda ka tashadaan isla markaana iyagoo isbeheysi la ah Ethiopia ay Soomaaliya joogaan.
Â
“Ciidamadaasi lagu sheegay nabad ilaalinta waa kuwo u yimid in ay taageeraan kuwo ku soo duulay wadanka Soomaaliya,Ciidamada Uganda iyo Burundi waxaa ay u yimaadeen in ay taageernaa nidaamkii mareykanka uu taageerayay ee Soomaaliya ku duulay ee Qabsaday Soomaaliya sanadkii 2006-kii,wadamada Soo diray ciidamadasina go’aan kameysan qaadan ururada Sharciga ah ururka midowga Africa xur uma lahan in uu ciidmo u fasaxo ciidamo ku duulay wadan xur ah oo go’aanada caalamiga ah ka soo hor jeeda isla markaan lagu sheego in ay yihiin ciidamo nabad ilaaliyayaal ah oo ammaanka Sugaya†ayuu yir Madaxweynaha wadanka Eritrea.
Â
Madaxweynaha dowlada Eritrea Isaias Afwerki ayaa wareysiga uu Shabelle siiyay uu ku sheegay in wax lala yabo ay taha wadmada Ciidamada u soo diray Soomaaliya ay ka jiraan dhibaato ammaan dari ah ayna sheegaan in dal ay nabadiisa sugayaan.
Â
“Uganda waxaa heysta dhibaatooyin gudaha wadankaasi ka heysta Mana xalin karto Arimaha ka taagan wadanka Soomaaliya,Ciidamada ka socda Ugandana ma noqon karaan kuwo xaliya dhibaatada Soomaaliya ee waxaa ay noqonayaan kuwa uga sii dara sidaasi oo kale ciidamada ka socda wadamada Burundi iyagana waa la mid magaalada Bujumbura ma sugi karaan ammaankeeda ciidamada ka socoda wadamada Burundi,waxaana la yaab ah in Burundi ay tiraah ciidamo ayaan geeynayaa Soomaaliya oo waxaa xalinayaa dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya inagoo og wadamada Burundi iyo Uganda in ay heystaan dhibaatooyin uga furan gudaha wadamadaasi†ayuu intasi raaciyay Isaias Afwerki.
Â
Â
Madaxweynaha dowlada Eritrea ayaa waxaa uu sheegay in hadii Soomaaliya nabad loo oglaan lahaa aysan ku soo duuleen ciidamada Ethiopia sanadkii 2006-kii markaasi oo uu sheegay in uu soo baxayay ififaalo ku saabsan in dadka Soomaaliyeed ay isku dayaan in ay dib u soo ceshadaan hanaankoodii dowladnimo iyo arimaha gudaha iyadoo la ilaalinayo xuriyada wadanka Soomaaliya.
Â
Hadalka Madaxweynaha dowlada Eritrea ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili ciidamada ka socda wadamada Uganda iyo Burundi ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho aaneey ku guleysan sugida ammaanka Muqdisho kaliyana ay ku egyihiin illaalinta Madaxada dowlada garoonka iyo dekeda magaalada Muqdisho.
Â
Isdoo kale waxaa ay ciidamadasi la kulmaan weeraro uga yimaada xoogaga ka soo hor jeeda taasi oo dhalisa in dhimasho iyo dhaawc ay ka soo gaaraan ciidamadaasi taasi oo madaafiicda ay ku jawaabaan ciidamada ee ay ku rusheeyaan xaafadaha dadka rayidka ah aysababto in dhibaatooyin kala duwan ay ka soo gaaraan dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.
Comments
comments