Calendar

Inta Badan Muslimiinta Aduunyadda oo ay u bilaabatay maalinta kowadaa ciida

eid-2010Saudi Arabia (www.Bartamaha.com):- Muslimiinta ku nool daafaha Aduunyadda ayaa maanta oo talaado ah ay u bilaabatay maalinta kowaad ee ciida Ciidul Fitriga, taas oo ay sameeyaan dhamaadka bisha barakeesan ee Ramadaan waxa ay socotaa ilaa Seddax Maalin

Wadanka Sacuudiga oo ah halka muslimiinta ay u ciiba takaan ayaa xaley ku dhawaaqday in ay curatay bisha shawaal,

Wadanka Masar iyo kuwa kale oo carbeed ayaa iyana maanta ciidaya.

Dalka ugu badan ee ay ku nool yihiin muslimiinta Indonesia, ayaa ku dhawaaqay maalinta Arbacada ay tahay maalinta kowaad ee ciida.

Wasiirka diinta ayaa ka sheegay magaaladda Jakarta ka dib markii ay la tashteen qubro iyo culimadda diinta in aan la arkin bishii shawaal siddaa daraadeed ay maanta tahay maalin soon oo 31-bishan August ay ciidi doonaan.

Ciida Fitriga waa mid ka mid ah wax yaabaha ay ugu weyn yihiin ee islaamka ay qadariyaan.

 W/D:Xafiiska Wararka Muqdish Bartmaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: