Ing. Yariisow “Gobolo badan ayaan qabsan doonaa…Alshabaab ay sii fashilmayaan…”.
Bartamaha (Muqdisho):- Dowlada KMG ah ayaa shaaca ka qaaday in maalmaha soo aadan qay qabsan doonto Gobolo badan oo ka mida Soomaaliya.
Sii hayaha xilka Wasaarada Warfaafinta Dowlada KMG ah ayaa shaaca ka qaaday in Alshabaab ay ku jabiyeen dagaalo badan oo ka dhacay Gobolada dalka.
Ing.C/raxmaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta ayaa saxaafada u sheegay in saacadaha soo aadan ay qabsan doonaan Gobolo badan oo ka mida dalka Soomaaliya.
Masuulkan waxa uu cadeeyay in Ciidanka Dowlada ay jiha walba ka soo dhaqaaqeen iyagoo u diyaarsan fulinta weeraro ka dhan ah Xoogaga Islaamiga ah.
‘Waan fashilinay Kooxda shabaab waxaana ogaanay awoodeeda …Gobolo badan ayay hadda Ciidankeena haystaan waxa ayna tagi doonaan Gobolo ka sii badan oo dalka ah…” ayuu yiri Ing.Yariisow.
Masuulkan waxa uu sidoo kale cadeeyay in amaanka goob walba oo Ciidanka qabtaan loo dhiibayo Ciidan Booliiska ah oo u xilsaaran amniga Deegaanada la gaaro.
Dowlada ayaa waxa ay hadalkan sheegtay ka dib markii mar qura ay dagaalo ka wada bilowday Gobolada Gedo,Bakool iyo Gobolkaasi Hiiraan.
Dagaalada ka dhacay Gedo ayaa gul muuqata sababay markii Dowlada la wareegtay Degmada Baladxaawo waxaana dhanka kale Dowlada ay guula ka gaartay dagaalo ka kala dhacay Bakool iyo Hiiraan oo weli xiisada ay ka oogan tahay.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
.
Comments
comments