Indhacade oo sheegay qaraxii lala beegsaday isaga & wasiiro kale laga soo abaabulay madaxtooyada
Bartamaha (Muqdisho) Wasiiru dowalaha wasarada Gaashaandhiga DKG ee Somalia, Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha cade, oo saxaafada shir ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka war bixiyay qarax habeenimadii Khamiista aheyd lagula eegtay agagaarka Isgoyska dabka ee magaalda Muqdisho isagoona werarkaasi guul darestay ku eedeyay abaabulkiisa in laga lahaa madaxtooyada.
Indha cade ayaa waxa uu shegay in qaraxaasi uu kadhacay meel aad ay ugu badanyihiin ciidamda dowalda ayna suuragla aheyn in ruux aysan raaklli ka’aheyn uu miina dhigo isaga oo intaa sii raaciyay in baaritaan sameyn doono wasaarada arimaha gudaha DKG ee Somalia taa oo lagu sheegi doono ruuxa sida dhabta ah uga danbeeyay.
Qaraxa oo kadhacay agagaarkla dabka ee uu ka bad baaday ayaa Wasiiru dowalaha wasarada Gaashaandhiga DKG ee Somalia ayaa waxa uu galaaftay nolosha sedax ruux oo shacab ah kuwaa oo kusugnaa halka qaraxa lagula eegtay kolonya gaadiid ah oo uu watay.
Eedeyn uu dowlada u soo jediyo Wasiiru dowalaha wasarada Gaashaandhiga DKG ee Somalia ayaan ahyen mid ku cusub dhegaha dadka soomaaliyeed.
Isbuucyadii lasoo dhaafay ayaa waxa uu laba jeer oo isu dhaw ee deeyay rasilwasaaraha DKG ee Somalia, isaga oo labadaasi jeer ku kala eedeyay rasilwasaraha in uu lashaqeeyo kooxaha dowalda ku kacsan iyo in uu diiday saanadii ciidanka dowlada lasiin lahaa taasina ay keentay in qeybaha waqooyi ee casimda lagala wareego dowlada.
Xafiiska wararka ee Bartamaha Xamar
Comments
comments