Calendar

Indha Cade iyo Abuu Al Qaadi oo maanta u dhawaaday Isgoyska Bakaaraha.

ahBartamaha(Muqdisho):-Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Sheekh Yuusuf Indha Cadde iyo Madaxa Warfaafinta Ahlu sunnah Sheekh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al Qaadi ayaa maanta saxaafada kula hadlay Wadada Dabka.

Labada Masuul ayaa maanta saxaafada kula hadlay agagaarka Baar Raaxo Degmada Hodon Muqdisho halkaasi oo dhawaanahan ay ku sugnaayeen Ciidanka Ahlu sunnah.

Sheekh Indha cadde oo ka hadlay hormarka Ciidanka ay ka gaareen dagaaladii ay la galeen alshabaab ayaa sheegay in ay sii wadayaan islamarkaana haatan ay ku faraxsanyihiin in ay u dhawaadeen Bakaaraha.

Wasiir Dowlaha Gaashaandhiga Yuusuf Indha Cadde ayaa ugu dambayntii ku baaqay in shacabka ay adkaystaan isagoo balan ku qaaday in maalmaha soo aadan laga dulqaadayo Kooxaha dhibaatada ku haya sida uu sheegay.

Dhanka kale Sheekh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al qaadi ayaa shaaca ka qaaday in wasiir Dowlaha ciidamadiisa ay shalay kala qeybgaleen dagaalkii ka dhacay Degmada Hodon islamarkaana ay guul balaaran ka wada gaareen dagaalka.

Abuu Yuusuf ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin tagitaankooda Wadada Dabka gaar ahaan meel aan ka dheereen isgoyska Bakaaraha halkaasi oo saxaafada ay maanta kula hadleen.

Al qaadi waxa uu ku hanjabay in ay saacada aan dheereen ay ka talin doonaan Bakaaraha isagoo saxaafada u balan qaaday in laga dulqaadayo dhibaatada sida uu warkiisa ku darsaday .

Masuuliyiintaasi  Ahlu sunnah iyo Dowlada ka wada tirsan ayaa waxa aylug ku mareen xaafadaha Degmada Hodon iyagoo gaaray Mowlaca Macalin Nuur oo ah goobta ay saldhiga ka dhigteen Ahlu sunnada dagaalka kula jirta alshabaab xaafadaha Degmada Hodon.

Waa markii ugu horaysay oo masuuliyiin ka mida Dowlada Madaxaweyne Shariif ay ka daadagaan Isgoyska Dabka Wadada Makka Al Mukarama iyagoo aadaya dhanka Isgoyska Bakaaraha.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed Baratamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: