Indha Cadde oo daaha ka qaaday in Saalax Badbaado uu Alshabaab Wakiil u ahaa.
Bartamaha(Muqdisho):-Wasiir Dowlada Wasaarada Gaashaandhiga Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Alshabaab uu wakiil u aha Xildhibaan Badbaado oo shalay si rasmi ah u shaaciyay in uu Dowlada isaga baxay.
Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Dowlada KMG ah Sheekh Yuusuf Indha Cadde oo saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in ay horay dareen ka qabeen Xildhibaan Saalx Nuur Badbaado in uu Alshabaab la shaqeeyo balse ay shalay dhab noqotay.
Xildhibaan Badbaado ayuu ku tilmaamay nin isbad-badal badan oo siyaasad qarsoon Dowlada ka dhex waday isagoo sheegay in uu wakiil buuxa u ahaa Alshabaab oo shalay uu si rasmi ah ugu biiray masuulkaasi oo maalintii khamiista isaga baxay deegaanada ay Dowlada maamusho.
Yuusuf M.Siyaad ayaa sheegay in ALshabaab dadkii wakiilada uga ahaa Dowlada ay haatan sii baxayaan iyagoo ka baqanaya in ay Dowlada xukun ku rido oo la qabto taasi oo uu sheegay in uu Saalax Badbaado ugu danbeeyay ragaasi dowlada isaga tagay.
Hadalka Indha Cadde ayaa imaanaya xilli shalay uu shaaca ka qaaday Xildhibaan Badbaado oo warfidiyeenada kula hadlay Bakaarah in uu Dowlada isaga tagay isagoo weeraray qaab dhaqanka Amisom iyo Madaxda ugu sareysa Dowlada kmg ah Ee Soomaaliya.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments