Calendar

Indha Cadde “Dowlada waan ka baxnay …Wax heshiis lala galo ma aha…”.

indha caddeBartamaha (Muqdisho):- Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-Cadde oo xilli ahaa Hogaamiye magac ku lahaa Kooxda Xizbul Islaam ayaa hada sheegay in uu ka laabtay Heshiiskii uu la galay Dowlada KMG ah.

Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-Cadde oo ahaa Wasiir Dowlihii Gashaandhiga Dowlada KMG ah balse dhawaanahan aan xil qaban ayaa waxa uu daaha ka rogay in uu isaga baxay Dowlada KMG ah.

Indha Cadde ayaa maanta saxaafada kula hadlay Muqdisho waxa uuna sheegay in uu ka laabtay heshiiskii guud ee uu la saxiixday Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya  xilli horay uu u waayay jago uu dowlada ka hayn jiray.

“Dowlada waan ka baxnay  Markii aan ka waynay fulinta heshiiskii Xizbul Islaam ay la gashay Dowlada Shariif…Madaxweynaha waxaan dhowr jeer kala hadlay in uu dhowro heshiiska balse waa uu ka dhaga adeegay maadaama uu isaga ka baxay heshiiskii anagana waan goosanay in aan isaga baxno……Wax heshiis lala galo ma aha Dowlada aan nidaam keeda saxneen….” ayuu si cara leh u yiri Indha Cadde.

Wadaadkan xilka ka soo qabtay dowlada uu dhaliisha u jeedinayo ayaa waxa uu hadalkan ka soo yeerayaa xilli Dowlada haatan la soo dhisay laga dhex waayay garabkii Indha Cadde uu hogaaminayay ee Kooxdii Xizbul Islaam iyo Ahlu sunnah oo xilli la heshiisay Dowlada.

Lama oga garabka uu noqon doono wadaadkan  siyaasadiisa dhowr jeer ay is badashay intii dagaalada ay ka socanayeen gudaha Magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow dhow oo uu dhowr garab la soo kala shaqeeyay.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].


Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: