In ku dhaw 170 mudane ka tirsan barlamaanka oo maanta kulan ku yeeshay hoolka Barlamaanka. 18 jun 2011
Kala fadhigaan maanta ay yesheyn mudanayaasha barlamanka kmg ayaa dooda inuu qeybiyo Loo doortay mooliid maacani max,ud ayaa noqday ninka ugu da,da weynaa sidaas ayaa qasabtay In laga dhigo inuu dooda qeybiyo fadhiga maanta ee barlamaanka
Xildhibaan Mowliid Macaani Maxa,ud oo ahaa ninka loo dortay maanta inuu dooda maanta Qeybiya ayaa ugu horeyn ka hadlay hishiskii kampala iyo go’aanadii ka soo baxay shirkii lagu Qabtay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda isagoo sheegay inuu yahay mid aan ka Turjimeen rabitanka shacabka.
Wuxuu carabka ku adkeeyay in aan la oran Karin madaxda dalka qalad aye galeyn waxaa ka Haboon in la yiraah wey ildufeen Maanta waxaan mujineeney midnimada barlamaanka inuu Mideysanyahayshacabka soomaaliyeed ee guryahooda jooga gobalada jooga iyo guwa dibada Jooga ee shanta khaarad jooga ee ka dhiidhiyay arintaan hishiska waxaan ugu baqeynaa inaan ku Shaqeyn doono rabitaankooda.
Ugu danbeentii wuxuu xusuy iney sharcinoqon doonto markii uu furmo fadhiyada rasmiga Ee Barlamaanka ay noqondoonto mooliid macaani wuxuu weydiistay xildhibaanadii kulankaas ka Soo qeyb gashay intii uu si rasmi ah u furmi doono isku yimadaan maalin waliba si hoolaha Horyaala barlamaanka ay soo bandhigaan ay ugu dodaan .
Kulankaan maanta ay isugu yimadeen Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka kmg ee soomaaliya Ayaa ku soo begmaayo mudo afar bilod kadib iney kulmaan maanta waxana ka soo qeyb galay Xildhibaano ku dhaw ilaa 170 mudane waxaa laga dhursugaa waxa ka soo bixi doono kulamada Xasaasiga ah ay soo socda ay loga doodidoono inta badan melmarinta hishiskii kampala oo Shacabka intiisa badan ay ka horyimadeen hishiskii kampala.
Xafiiska wararka bartamaha; muqdisho
Comments
comments