Calendar

Imtixaanaadka sanad dugsiyeedka 2009-2010 oo manta loo soo gabagabeeyay Ardeyda wax ka barato Iskuulaadka Magaalada Kismaayo.

bartamaha

Bartamaha(kismaayo);-Imtixaanaadkii teeramka 3aad ee sanad dugsiyeedka 2009/2010 ayaa manta loo soo gabagabeeyay ardeyda wax ka barato  dugsiyada ku yaal magaalada kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose kadib markii ay 11 maalmood u fadhiyeen imitxaanaadka sanadka.

 Imtixaanaadka oo soo bilowday 05tii bishan May ayaa mudadii uu socday  waxaa lag adareemayay ardeyda wax ka barata iskuulada Magaalada kismaayo mashquul aad u balaaran iyadoo ardey weliba uu ku dadaalayay sidii u natiijo wanaagsan ugu gudbi lahaa imtixaanka ugu danbeeyo ee sanadkan.

Arday kor u dhaafeyso ilaa iyo 3000 oo ardey oo wax ka barata iskuulada magaalada kismaayo ayaa sanadkan u u fariistay imtixaanaadka sanad dugsiyeedka 2099-2010 sida uu waamonews.com u xaqiijiyay gudoomiyaha dallada waxbarashada Jubooyinka Axmed Faarax Cali Aweys.

Gudoomiyaha dallada waxbarashada jubooyinka Axmed Faarax Cali Aweys  waxa uu intaasi ku daray in teeramka n 3aad uu yahay id uu ugu soo dhamaaday dugsiga sidii loogu talogalay oo hore loogu qorsheeyey.

Imtixaanadkan sanadkan oo ah kuwa si weyn looga dareemayay guud ahaanba magaalada kismaayo ayaa soo bilowday 05-tii bishan waxaana ka qeybgalay guud ahaanba iskuulada magaalada kismaayo iyadoo la filayo in iskuuladaasi dib loo furi doono 01-bisha Aug, ee sanada 2010.

 

warar ka xaqiida ah kalasoco www.Bartamaha.com

Bartamaha

Kismaayo_somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: