Imaamkii Masjidka Jaamaca Wala-Weyn oo la sii daayay kadib muddo laba maalmood uu Xabsi ku jiray.
Bartamaha(Wala-Weyn):-Maamulka Islaamiga ah Ee Degmada Wala-Weyn Ee Gobolka Sh/hoose ayaa la soo sheegayaa in ay xabsiga ka daayeen wadaad dhawaan ay xereen.
Maamulka Wala-Weyn ayaa waxa ay sii daayeen wadaad ay xereen Xilli uu Salaada Ciida Dushinayay Maalintii labaad Ee Ciidul Fidriga iyadoo xariga wadaadkaasi banaanbax qasaara sababay uu dhaliyay.
Imaamka Masjidka Jaamaca Degmada Wala-Weyn ayaa Saaka helay xuriyadiisa ka dib muddo laba cisha ah oo xabsiga Wala-Weyn oo yaalay iyadoo la sheegay in lagu badalay dhalinyaro ka danbeysay banaanbixii lagu dalbanayay in la sii daayo.
Dhacdada Wadaadka lagu xeray ayaa ahayd mid aad u fudud balse laga dhigay wax culus ka dib markii Banaanbax ay dhigeen xerta wadaadkan Imaamka masjidka ahaa ka dibna Ciidamada ay dileen laba dhalinyara ah.
Habeenkii labaad ayaa la sheegay in Wala-Weyn uu saarnaa bandow ay ku soo rogeen Maamulka halkaasi ka jira iyadoo la sheegayo in ay weli jiraan dhalinyaro ay ku raadjoogaan kooxaha Islaamiga ah kuwaasi oo la sheegay in ay ka qeyb ahaayeen banaanbax ka dhacay Wala-Weyn.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments