Ilyaas barre Shiil oo sheegay inuu ka badbaaday isku day lagu khaarajin lahaa
Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Faafi ee gobolka waqooyi bari ee Soomaalida Kenya Ilyaas Barre Shiil ayaa sheegay inuu ka badbaaday shirqool la doonayay in lagu khaarajiyo.
Ilyaas ayaa sheegay in weerarkii dhawaantan ka dhacay tuulada Galmagala oo ay masuuliyadiisa sheegatay kooxda Alshabaab inuu ahaa mid la doonayay in isaga lagu dilo.
Wuxuuna xildhibaanku tilmaamay in wax yar kahor markii weerarku uu dhacay inuu kasoo baxay tuulada Galmagala oo uu booqasho ku joogay, wuxuuna sheegay in weerarkan uu ahaa mid isaga lagu bartilmaameedsanayay.
Weerarka ka dhacay Galmagala oo ay Alshabaab masuuliyadiisa korka u ridatay ayaa ahaa mid ay ku dhinteen askar Kenyan ah iyo sidoo kale dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.