Dad ku sumoobay caano geel ay cabeen oo la dhigay isbitaal ku yaal magaalada Muqdisho
Ilaa 27-ruux oo isugu jira dad da’ ah iyo caruur ayaa ku sumoobay caano ay shalay gelinkii dambe cabeen ayaa xalay la dhigay Isbitaalka Daaru Shifa, iyadoo qaar ka mid ah dadkan laga deyrinayo xaaladooda.
Qoysaskan ku sumoobay caanaha ayaa ka mid ahaa qoysaska Naafada ciidamada xooga dalka ee Isbitaal Martiini, waxaana ay shalay wax ka cuneen raashin looga keenay guri Alla bari ka socday.
Mid ka mid ah qoysaska naafada ciidamada xooga dalka ayaa sheegay inay ku jiraan qoys dhan oo gaaraya tobaneeyo oo isugu jira, hooyooyin iyo caruurtooda, waxaana ku jira canug yar oo hooyadiis naaska ka nuugay oo cabtay caanihii loo keenay ay ku sumoobeen.
Caanaha oo ahaa Geella ayaa dadkan looga keenay guri ka jirtay Sab ama Alla Bari, waxaana bad baaday dadkii cunay bariiska, halka kuwii kale ee isla cunay bariiska iyo caanaha ay noqdeen kuwo sumoobay.
Gudoomiyaha degmada Xamar Weyne C/llaahi Sahal Gardhuub ayaa sheegay inay gurmad u sameeyeen dadka ku sumoobay caanaha, ayna u dalbeen gawaarida ambalaaska, waxaana uu sheegay in dadka uu soo ritay shuban, matag, waxaana u badan dad dan yar ahaa.
Dadka ku jira Isbitaalka Daarul Shifa ayaa la soo sheegayaa inay badankood noqdeen kuwo gacmaha iyo lugaha gaduutay, waxaana socda dadaalo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.
Comments
comments