Calendar

Idaacado ku yaala Galgaduud oo afka la qabtay.

IdaacadBartamaha (Galgaduud):-Maamulka Kooxda Ahlu sunnah Wal Jamaaca ayaa afka qabatay Laba Idaacad oo muddo dheer ka shaqeynayay Gobolkaasi Galgaduud.

Idaacadaha kala ah Radio Cabud-Waaq iyo Idaacada Badbaado oo ka shaqeynayay Degmada Caabud-Waaq ee Gobolka Galgaduud  ayaa si awoodi ku jirtay albaabyada loogu laabay.

Maamulka Ahlu sunnah Wal jamaaca ayaa albaabyada u laabay Labadaasi Idaacadood ka gadaal markii Maleeshiyaad Hubaysan ay xoog ku galeen dhismayaasha labada Idaacad.

C/kariim Bulxan oo ah agaasimaha Idaacada Caabud-waaq ayaa shaaca ka qaaday in uu ka warhelay Cidian dushiisa taagan iyo saraakiil aanu magacaabin oo amraysa in Idaacada la damiyo.

Idaacadahaasi ayaanan la ogayn sharciga loo cuskaday xerida Idaacadahaasi waxaana Ciidanka xerayay ay ahaayeen kuwa Maamulka Degmadaasi Caabud-Waaq Ee Gobolka Galgaduud.

Labadan Idaacadood ee la xeray ayaa ahaa dhagaha Gobolkaasi Galgaduud waxaana inta badan ku xernaa Boqolaal dadweyna ah oo dagan deegaanadaasi Gobolka Galgaduud oo ay Maamusho Kooxda Ahlu sunnah.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].


Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: