Calendar

Idaacadihii Caabud-Waaq oo dib loo fasaxay.

Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gbolka Galgaduud ayaa galabta fasaxay in ay dib hawada ugu soo laabtaan Laba Idaacad oo dhawaan hawada laga saaray.

idaBartamaha (Galgaduud):- Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gbolka Galgaduud ayaa galabta fasaxay in ay dib hawada ugu soo laabtaan Laba Idaacad oo dhawaan hawada laga saaray.

Labada Idaacadood ee la fasaxay ayaa waxaa sabab u ahaa ka gadaal markii maanta ay shir yeesheen Masuuliyiinta Ahlu sunnah wal jamaaca iyo Wariyayaasha iyo Maamulka Labada Idaacadood ee hawada laga saaray.


Idaacadaha Muxaliga ee ku yaala gudaha degmada Caabud-waaq ee lagu kala magacaabo Radio Badbaao iyo Radio Caabud-Waaq ayaa markii wariyayaashooda dhaliila u jeediyeen maamulka ka dib loo fasaxay shaqooyinkooda.

Labada Idaacad ayaa galabta hawada ku soo noqday waxaana ay baahinayaan wararkooda iyo Barjaamijyadooda caadiga ahaa sida wararkii ugu danbeeyay ee na soo gaaraya ay sheegayaan.

Labadan Idaacad ayaa hawada awood looga saaray ka gadaal markii loo adeegsaday Ciidamo hubaysan taasi oo qasab ka dhigtay in wariyayaasha awood looga saaro gudaha Labada Idaacad ka dibna ay ahlu sunnah askartooda damiyeen Labada Idaacad.

illaa haatan arintaais ma jirto wax raali galin ah oo ay ka bixiyeen Madaxda Kooxda Ahlu sunnah wal jamaaca ee degmadaasi caabud waaq ee Gobolkaasi Galgaduud oo idaacadaasi oo kaliya ay ka shaqeyn jireen wallow galabta ay hawada ku soo laabteen.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

Comments

comments

Category : The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: