Calendar

Idaacadaha Muqdisho oo maanta joojiyay Heesihii iyo Musikadii ay baahin jireen.

radiosBartamaha(Muqdisho):-Maanta waxaa si toos ah dhaqan galay amarkii ka soo baxay Xizbul Islaam kaasi oo lagu joojinayay Heesaha iyo Music-kada ka baxi jirtay Idaacadaha.

Inta badan Idaacadaha Muqdisho waxa ay saaka si toos ah u joojiyeen astaamihii Muusukada ahaa iyo Heesaha ay baahin jireen cabsi ay ka qabaan Xizbul Islaam.

Waxaa guud ahaan ay badaleen Idaacadaha astaamaha Music-kada ee Wararka,Barjaaminyada,Iidheyada iyo dhammaan cod walba oo Musik ahaa oo idaacadaha ay dayn jireen.

Idaacadaha kala ah:-

Shabeele, Horn Afric,Simba,Tusmo,Danan,Codka Nabada,Vod,Banaadir oo ku wada yaala dhulka ay Mucaaradka maamulaan ayaa waxa ay joojiyeen Heesaha iyo Muusikada.

Astaamaha ay samaysteen Idaacadahaasi badankood waxa ay yihiin kuwa Macnayaal abuuraya iyagoo iska diiday samaynta Astaamaha Nashiidooninka Carbeed oo ay Mucaaradka doonayaan.

Astaamaha Micnaha samaynayaa ayaa waxaa samaystay Idaacaha shabeele iyo Simba,idaacada shabeele ayaa waxa ay saaka Warka ku soo daysay astaan ahaan Madaafiic,Hoobiyayaal iyo rasaas dhacaysa oo ay astaan uga dhigeen warka .

Radio Simba ayaa astaan ka dhigtay roob da’aya iyo shimbiyo iyo cod caruur oynaysa taasi oo lo fasiranayo dadka barakacay iyo dhib aatada haysata.

Isku soo duub waxaa jira Idaacada kooban oo ku yaala dhulka Dowlada oo aan dhag jalaq u siinin amarka Xizbul Islaam Sida Idaacada Soomaaliwyn iyo Xurmo wallow ay jirto Idaacad aan amarka saamayn ku yeelanayn taasi oo ah Radio Muqdisho.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: