Calendar

Idaacadaha ku yaala dhulka Dowlada Maamusho oo hanjabaad loo jeediyay.

micerphonesBartamaha(Muqdisho):-Idaacadaha ku yaala Deegaanada ay Maamusho Dowlada KMG ah ayaa lo jeediyay Hanjabaad culus taasi oo ka hor’imaanaysa xuriyada Saxaafada.

Idaacadaha Somaliweyn,Codka Nabada,Xurmo iyo Tusmo ayaa loo jeediyay digniin culus taasi oo kaga timid Maamulka Dowlada Ee Gobolka Banaadir.

Xoghayaha guud ee Gobolka Banadir c/Kaafi Hilowle Cismaan ayaa Idaacadaha ku yaala deegaanada ay Dowlada ka taliso uga hanjabay in ay xerayaan haddii ay Heesaha iyo Musikada baahin waayaan.

C/Kaafi Hilowle oo ah Xoghaya guud Ee G/Banaadir ayaa sheegay in idaacadaha Afarta ah ay yihiin kuwa la shaqeeya Alshabaab haddii aanay qaadan amarka Dowlada bixinayso.

Masuulkaasi waxa uu sheegay in Degmooyinka ay Idaacadahaasi ku yaalaan aanay ka talin Kooxda Xizbul Islaam oo diiday Heesaha iyo Musikada ka baxda Idaacadaha ku yaala Magaalada.

“Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ciidanka Dowlada hadaanayn shaqeynin wan arkaynaa …waxaan faraynaa idaacadaha in ay qaataan amarka Dowlada kaasi oo ah in shaqadii ay horay u hayeen ay wadaan Heesaha iyo Musikadana aanay u joojin amarka Xizbul Islaam….walllaahi wana ganaaxaynaa waana xeraynaa waxaana shaqaalaha ka shaqeeya u aqoonsanaynaa in ay yihiin ALSHABAAB…..”!!!!. AYUU YIRI Xoghaya maamulka G/Banaadir.

Hadalka ninkaasi ayaa imaanaya xilli saxaafada dhinacyada isku haya Soomaaliya ay la wada dagaalnsanyihiin oo Koox walba ay doonayso Caburinta Saxaafada xorta ah oo haatan shaqadeeda mugdi sii galayso.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: