Idaacada Shabeele oo ka xurowday amaradii Islaamiyiinta.
Bartamaha(Muqdisho):-Idaacada shabeele oo ka mid ah Idaacadaha ku yaala Muqdisho ayaa si cad xalay u xustay 1-July.
Idaacada Shabeele oo ahayd Idaacad xilli ku taalay Bakaaraha dhibaata badana ay soo wajahday ayaa haatan dib uga xurowday amarada Mucaaradka.
Idaacada ayaa Xalay jabisay amarkii Xizbul Islaam kaasi oo ahaa in aan la xusi Karin Maalinta Xuriyada Dalka Soomaaliya oo ku beegnayd 1-July.
Dhawaqa Heesaha Macaan ee Xuriyada ayaa Xalay dib looga sii daayay Idaacada Shabeele Muqdisho markii in mudda ah aanay idaacada daynayn wax Music-ah ama Heesaha Wadaniga.
Maamulka Idaacada Shabeele ayaa waxa ay sheegeen in ay amarada Mucaaradka ay ka gudbeen xadkii loogu tala galay taasina ay go’aansadeen in ay ka weecdaan.
Abwaan Guure oo ah Agaasimaha guud ee Idaacada Shabeele ayaa waxa uu si cad u shaaciyay in amarka Xizbul Islaam uu dhaafay xadkii taasina ay qasab ka dhigtay in ay jabiyaan amarkaasi.
Idaacadaasi Shabeele ayaa dhawaan ka soo barakacday Suuqa Bakaaraha oo ay ku shaqeyn jirtay waxaana ay haatan xarun ka dhigatay garoonka Diyaaradaha Muqdishop goob aan ka dheereen oo amaankooda ay adkaynayan Ciidanka Amisom.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi-Kenya
Comments
comments