Idaacada Shabeele oo Bakaaraha ka soo guurtay iyo Qalab ay ka tageen oo Islaamiyiinta qaateen.
Bartamaha(Muqdisho):-Idaacada Shabeele oo ka mid ahayd Idaacadaha ku yaala dhulka ay ka taliyaan Alshabaab ayaa saaka isaga guurtay Suuqa Bakaaraha.
Idaacada Shabeele ayaa xilli hore oo saaka ah si qarsoodi ah u soo qaadatay inta ugu mihiimsanayd qalabkeeda waxa ayna u soo guurtay dhulka ay Dowlada maamusho.
Idaacada Shabeele oo muddo 8-Sano ah ku shaqeynaysay dhismaha Global ee wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha ayaa saaka waxa ay si toos ah qalabkeeda uga soo qaadatay Xarunta.
Wararka aynu helayno ayaa sheegaya in aroornimadoo hore la soo qaaday qalabkii ugu muhiimsanaa sida FM-kii,Meksaradii,Micrphonadii,Compiuteradii iyo Anteenooyinka war lalisyada .
Dhammaan qalabka ayaa soo badbaaday waxaana la geeyay Xarun cusub oo Idaacada ay ka dagayso Wadada Garoonka Muqdisho gasha halkaasi oo ammaan ahaan ay u xusheen.
Saraakiil shabaab ah iyo kuwa Xizbul Islaam ka socday oo ciidan badan watay ayaa gaaray dhismaha Idaacada Shabeele waxa ayna guud ahaan qaateen wixii ka haray Idaacada shabeele sida Miisaskii iyo qalab kale oo idaacada ay ka gaari waysay in ay soo qaadato.
Ciidanka ayaa amray nin ay ugu tageen gudaha inuu furo dhammaan qansanado aanay Idaacada qaadan oo halkaasi ay uga tageen Howlwadeenadii kale wallow aanay u sooragalin in ay helaan waxyaaba kale oo idaacada ay ka tagtay .
Baaritaan ayaa lagu samaynayay gawaarida Suuqa Bakaaraha ka baxaysay waxaana dad badan oo daganaa hareeraha idaacadaasi la su’aalay xiliga la qaaday qalabka Idaacada Shabeele.
Wax ar ah kama soo bixin Madaxda Shabeele wallow idaacadaasi ay miiska saarnayd oo qatar badan ay uga soo wajahneed dhanka Islaamiyiinta iyadoo u dhaga nuglaatay Amarada Mucaaradka.
Lama oga waxa laga filan karo Idaacadaasi Shabeele maadaama la aaminsanyahay in ay ka soo baxday Cadaadiskii iyo culeyskii ay ku hayeen Xoogaga Islaamiyiinta Mucaaradka ah.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments