Howlo Zako Ururin ah oo Maanta si Toos ah uga Bilowday Degmada Jamaame.
Maamulka islaamiga ah ee Degmada Jamaame ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay bilowdeen howlihii Zako ururinta ahaa eee maamulku hore u sheegay in ay ka qaadi doonaan dhamaan cida ay ku waajibtay in zakada,  iyagoo sheegay in ay si dar dar leh u soconayaan howlahaasi.
Waaliga Maamulka islaamig ah ee Degmada Jamaame Sheekh Xuseen oo maanta la hadlayay qaar kamid ah warbaahinta ka howlgasha gobolkani j/hoose ayaa sheegay in ay maanta bilaabeen howlihii lagu ururinayay Zakawaadka isagoo sheegay in ay howshaasi zako ururinta ahi ay maanta si toos ah uga bilaabatay Degmada Jamaame ee Gobolka J/hoose.
Degmada Jamaame oo kamid ah shanta degmo ee uu ka koobanyahay gobolkani J/hose ayaa wararka aynu ka heleyno waxa ay sheegayaan in Degmadaasi iyo Deegaanada ku teedsanba ay ka soconayaan Howlaha zako ururinta
Howlahani zako ururinta ah ee ka bilowday Degmadasi jamaame ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli Maamulka wilaayada islaamiga ah ee gobollada jubooyinka uu shaaca ka qaaday in Zakada laga ururin doono guud ahaanba Deegaanada iyo degmooyinka ay ka koobanyihiin Gobollada Jubooyinka oo ay gacanta ku hayaan Xoogaga Xarakatu shabaabul Mujaahidiin.
Ismaaciil Cali Cabdi
Bartamaha – kismayo
Comments
comments