Howlgalo lagu qabqabtay dad doonayay in ay ka tahriiban Boosaaso.
Bartamaha(Boosaaso):-Ciidamada ammaanka Maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay qaar ka mida dhalinyaro tahriib doon ah xilli ay ku sugnaayeen Magaalada Boosaaso.
Ciidamada Ammaanka ayaa waxaa la sheegay in ay qabteen ku dhawaad 30-dhalinyara ah oo dhammaan ku haminayay in ay dooni ka raacaan Xeebta Magaalada Boosaaso.
Dadka la qabtay ayaa waxa ay isugu jireen haween iyo dhalinyaro kale oo dhammaantood doonayay in ay dooni ka raacaan Boosaaso si ay u gaaraan dalka Yaman.
Howlgalkan lagu qabqabtay dhalinyarada tahriib doonka ah ayaa waxa uu noqonayaa mid hormar la taban karo ah haddii laga badbaadiyay Xeebta Boosaaso doonyaha aan la isku haleen Karin oo laga raacayo.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments