Calendar

Howlgalo ay bilaabeen Ciidamada Xizbul Islaam Gobolka Hiiraan.

xdvs Bartamaha(Baladweyne):-Ciidamada Xizbul Islaam Gobolka Hiiraan ayaa bilabay howlgalo ay ammaanka wax uga badalayaan.

Ciidamada Kooxda Xizbul Islaam ayaa bilaabay howlgalo ay ammaanka wax uga qabanayaan ka dib dhac loo geystay gaadiidka wadooyinka gobolkaasi isticmaala.

Howlgada ayaa waxa ay Ciidamada ka bilaabeen wadada isku xerta Matabaan iyo Kala-Bayr oo ay qeyb ka daganyihiin Ciidamada Kooxdaasi iyo dhanka wadooyinka u dhexeeya Jalalaqsi iyo Baladweyne.

Howlagalka Ciidan ayaa imaanaya xilli ammaan daro balaaran laga soo sheegayay wadooyinka Gobolkaasi Hiiraan oo dhac iyo baarasho lagula dhaqaqo gaadiidka dadweynaha.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: