Hotel ku yaala Hargeysa oo lagala baxay Koox dhalinyara ah.
Bartamaha(Hargaysa):-Ciidamada Somaliland ayaa Xalay howlgal ay sameeyeen waxa ay Hotel ku yaala Magaalada Hargaysa kala bexeen Koox dhalinyaro laga shakiyay.
Howlgalka oo xalay saqdii dhexe ay Ciidamada ugu dheceen dhismaha Hotel ku yaala Magaalada Hargaysa ayaa waxa ay ku qabqabteen Koox dhalinyara ah
Ciidanka ayaa howlgalkooda waxa ay ku qabteen in ka badan 20-dhalinyara ah oo la sheegay in ay xiriir la leeyihiin Maleeshiyada shabaab ee dalka Soomaaliya.
Howlgalka oo xilli danbe dhacay ayaa la sheegay in aanu sababin wax qasaara ah balse Ciidanka ay si awood ah ku soo jiireen ilaalada Hotelka ay xalay galeen.
Dadka Hotelka ay kala bexeen Ciidanka Somaliland ayaa waxa ay u badnaayeen dhalinyaro dhammaan lagu tuhmay in ay byihiin Kooxda Alshabaab.
Howlgalkan oo aan nuuciisa dhawanahan dhicin ayaa waxa ay Ciidamada ku galeen dhammaan qol walba oo ka mida Hotelka ay xalay u dhaceen oo ay ka baxsadeen dhammaan dadkii ay doonayeen.
Dadka la xerxeray ayaa warar soo baxaya ay sheegayaan in ay ku jiraan dad ka soo jeeda Somaliland oo hoos taga xisbiyada Mucaaradka qaarkood wallow arintaasi aanay wax war ah ka soo saarin Maamulada Xizbiyada.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.
Comments
comments