Hormuud Kismaayo oo Maanta Xaflad u Qabatay Qeybaha Bulshada ku dhaqan Kismaayo
Xafladan oo ay mid heersare loo soo agaasmay islamarkaasina ay kazoo qebgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada kismaayo ayaa waxa ay maanta ka dhacday Hotel Hared Yarow oo ku yaal xaafadda faanoole ee Magaalada Kismaayo.
Waxaa goobta ay xaflada ka dhaceysay ku sugnaa masuuliyiin katirsan wilaayada islaamiga ah ee degmada Kismaayo, ganacsato iyo odoyaal dhaqameedyo ku dhaqan magaalada kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
Maamulaha guud ee xarunta Hormuud Kismaayo C/laahi Xaashi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkadu ay had iyo jeerba u adeegto shacabka Soomaaliyeed, isagoona sheegay in ay dadka Soomaaliyeed marwaliba kala qeybqaataan marka ay jiraan Masiibooyinka dabiiciga ah, waxaana uu ballan qaaday in shirkadu ay dhawaan hirgelin doonto adeega GPRS ee loo isticmaalo Internetka.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay masuuliyiinta maamulka kismaayo, Ganacsato iyo Odoyaal dhaqameedyo kuwaa oo dhamaantoodba ku amaanay shirkada Hormuud adeegyadeeda iyo weliba sida ay u hormarisay adeega Zaad oo hada galay booskii xawaaladaha.
Xafladan ay shirkada hormuud maanta ku qabatay gudaha magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli ay xaflado kuwani lamid ah ay maanta ka dhaceen dhamaanba degmooyinka gobollada ay shirkadu ka howl gasho ee gudaha dalka Soomaaliya.
Ismaaciil Cali Cabdi
Xafiiska Wararka ee www.bartamaha.com
Kismayo-Somalia
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.