Calendar

Horjoogaha Shabaab Axmed Godane oo Cajalad Cod ah soo diray (Xog dhab ah)

godane1Bartamaha (Muqdisho):- Ninka hor boodaha u ah Maleeshiyada Shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa soo duubay Cajalad Maqal ah taasi oo uu uga hadlayay arimo badan oo ku aadan dhulka ay colaada ka wado Kooxdaasi Ee Koonfurta Soomaaliya.

Axmed Godane oo Cajalkan laga soo duubay sida muuqata maalin ka hor ayaa waxa uu Hambalyo kula dul dhacay Xasan Daahir Aweys oo uu u aqoonsaday nin Jihaadka uga horeeyay ahna masuul xilkas ah oo muddo hagayay dagaalada jihaadka uu ugu yeeray.

Godane waxa uu daaha ka qaaday in Midnimada Xizbul Islaam iyo Alshabaab ay muqadas tahay oo ay la mid tahay mid guul islaamka u soo hoyatay ah taasi oo uu ku muujiyay awood sii korodhay oo la dagaalamaysa Amisom iyo Dowlada KMG ah.

Ninkan Amiirka ama Hogaanka u ah Shabaab ayaa waxa uu soo hadal qaaday in ay noqon doonaan Dowlad Islaami ah taasi oo noqonaysa mid ku cusub bulshada marka ay dhisaan Dowlada ay ugu magac daro doonto Alshabaab Dowlada Islaamiga Soomaaliya.

Fillo Codka Axmed Godane.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: