Calendar

Hoobiyayaal la isku dhaafsaday Caasimada Muqdisho.

hoobiye ku dhacayBartamaha (Muqdisho):-Madaafiic u badan Hoobiyayaal ayaa duhurnimadii maanta la isku dhaafsaday caasimada Muqdisho taasi oo shacabka uu qasaara ka soo gaaray.

Hoobiyayaasha ayaa waxa ay ahaayeen kuwa ay isdhaasanayeen Islaamiyiinta Mucaaradka iyo Ciidanka Amisom.

Inta badan madaafiicda waxa ay ku dhacayeen Xaafadaha Woqooyiga Muqdisho taasi oo qasaaraha ugu badan uu ka soo gaaray dad shacab ah oo dagan Degmada Kaaraan.

Laba madfac oo ku dhacay Suuqa Kaaraan ayaa waxa ay sabab ka dhigeen dhaawaca 5-qof iyo dhimashada qof Haweenay da’ ahayd.

Lama garanayo qasaaraha gaaray dhanka Dowlada maadaama la garaacayay Villa Somalia oo ay u badanyihiin Ciidanka Dowlada iyo kuwa Amiso.

Hoobiyayaasha magaalada la isku dhaafsado ayaa waxa ay sababaan qasaaraha ugu badan ee dadka shacabka ah soo gaara.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: