Calendar

Holwgalo Alshabaab ay Xalay ka sameeyeen Baladweyne.

baldweynBartamaha(B/Weyne):-Ciidamada Alshabaab ayaa markii ugu horaysay xalay ku dhaqaaqay howlgal baaritaana ah oo ay ka samaynayeen Xaafado ka mida Magaalada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan.

Xaafadaha Galbeed ee Magaalada Baladweyne ayaa waxaa si toos ah ula wareegay Ciidamada Xisbada Kooxda Shabaabka oo bilaabay howlgal ay ku muujinayaan dhaqdhaqaaqa ay magaalada ka samaynayaan.

Kooxda Alshabaab ayaa Ciidamadooda waxa ay dalbadeen in loo firaaqeeyo dhanka galbeed ee magaalada oo ay joogen Ciidamada Xizbul Islaam oo markii danbe isaga baxay dhanka Galbeedka.

Askarta ayaa waxa ay qabqabteen dhalinyaro ay ku sheegeen kuwo ammaanka wax u dhimaya islamamarkaana dhac iyo baarasho ku dhaqaaqa xiliyada ay joogaan xaafadaha Magaalada Baladweyne.

Ciidamada Alshabaab ayaa waxa ay baladweyne tageen xilli khilaaf guud uu ka dhex taaganyahay Alshabaab iyo Kooxda Xizbul Islaam kaasi oo laga yaabo in uu ku faafo meel waliba oo ay wada joogaan labada Koox.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: