Calendar

Hogaamiye Xasan Daahir oo digniin u jeediyay Ciidamada Amisom.

xasan dahrBartamaha (Muqdisho):- Hogaamiyaha Kooxda Xizbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka digay Ciidan dheeraad ah oo loo soo diro dalka Soomaaliya isagoo digniin u jeediyay Afrika.

Xasan Daahir Aweys Hogaamiyaha Kooxda Xizbul Islaam ayaa markii ugu horaysay hadal culus ka soo saaray Ciidamada loo soo kordhinayo dalka Ee Amisom kuwaasi oo uu sheegay in ay shaqa ka dhigteen xasuuqa shacabka.

Sheekh Xasan oo cara ay ka muuqatay hadal uu Xalay warbaahinta ka jeediyay ayaa waxa uu daaha ka qaaday in ay Hubka u sitaan la dagaalanka Ciidan walba oo la keeno dalka islamarkaana ay tusi doonaan ciqaab adag.

Mr.Aweys ayaa xusay in Midowga Afrika ay Soomaaliya mishaar uga raadinayaan Ciidamadaasi ay keenayaan dalka isagoo balan ku qaaday in loo celin doono dalalkooda iyagoo ku dhintay dagaalka Mujaahidiinta sida uu hadalka u dhigay.

Hogaamiyah xizbul Islaam waxa uu cadeeyay in ay diyaariyeen Ciidankii lagula dagaalami lahaa askarta haatan la keenayo dalka iyo kuwii  horay ugu sugnaa Muqdisho oo uu ku faanay in ay u dhigeen cashir ku filan.

“Ciidankii horay u joogay dalka awoodooda way arkeen waxaana ay shaqo ka dhigteen xasuuqa shacabkeena maalin walba saaruuq ayaa na dul maraya oo shacabka ku dhacaya….waa ay ku fashilmeen kuwa soo socdanaya way fashilmayaan..” ayuu si cara leh u yiri Sheekh Xasan.

Xasan Daahir ayaa dhanka kale mar wax laga waydiiyay Kooxda Sheekh Atam iyo sida uu u arko dagaalka ay bilowday ayaa waxa uu ku soo koobay hadalkiisa in aanu marnaba aqoon u lahayn Kooxdaasi iyo Wadaadka hogaaminaya isagoo sheegay in aanu do9onayn ka hadalka Kooxdaasi.

Dhanka kale Hogaamiyahan waxa uu adkeeyay shir jaraa’id oo shalay ay ku wada beeniyeen Alshabaab iyo Xizbul Islaam in uu fashilmay kulankooda isagoo sheegay in wararka soo baxayay ay ahaayene kuwa lo dhoodhoobay oo been abuur ah.

Ugu danbayn Hogaamiyan  waxa uu shacabka ugu baaqay in ay Hubka qaataan si ay ula dagaalamaan Ciidanka Amisom ee ku sugan Muqdisho iyo kuwa haatan la qorsheynayo in dalka ay soo galaan.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

.

.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: