Calendar

Hogaamiyaha sare ee Ikhwaan musliinka Masar oo la dhigay xabsiga

imageIyadoo wali ay socdaan rabshado uu dhiig badani ku daatay, Masar ay gashay xaalad qallafsan ayaa ciidamada ammaanka ee dalka Masar ay xabsiga dhigeen Hogaamiyaha sare ee ururka Ikhwaan musliinka.

Wasiirka arrimaha gudaha Masar ayaa sheegay in hoggaamiyihii ururka Ikhwaanul Muslimiiin, Maxamed Badiic la xiray maanta oo Salaaso ah, kaddib isku dhacyo dhexmaray ciidamada ammaanka iyo taageerayaasha madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Maxamed Mursi.

Wasiirka ayaa sheegay in Badiic uu ka mid ahaa boqolaal dibadbaxayaal ah oo lagu qabtay meel ku dhow fagaaraha Rabiic Al-Cawadiyah, halkaasoo ay ku dhinteen 900 qof oo ay ku jiraan 100 ka tirsan ciidamada booliiska dalka Masar intii ay rabshaduhu ka socdeen magaalada Qaahira.

Hoggaamiyahan oo 70-jir ah ayaa waxaa xarigiisa soo dhaweeyay qaar ka mid ah taageerayaasha xukuumadda uu milaterigu taageerayo, iyagoo ku tilmaamay mid habacsanaan ku keeni karta dibadbaxyada ay dhigayaan taageeraya madaxweynihii talada laga tuuray.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: