Hindiya oo Soomaaliya usoo magacaawday Safiir
(Muqdisho, Soomaaliya, Maarso 06,2001) Madaxweynaha DKMG Soomaliya Mudane Sharif. Sh. Ahmed ayaa maanta ka aqbalay warqadaha aqoonsiga safiir cusub oo Hindiya usoo magacaawday Soomaaliya.
Waxaa goob-joog ka haa munasaabadan Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya Mudane Mohamed Abdulahi Omaar iyo Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada Mudane Khaliif Cabdulqadiir Macalin Nuur.
Ambasador Sibabrata Tripathia ayaa horay waxuu ka soo qabtay xilal diblomaasiyadeed oo kala duwan dalalka Kenya , Finland iyo Uganda.
Madaxweynaha oo hadal kooban halkaas ka jeediyay ayaa yiri “aad ayaan ugu faraxsanyahay in Hindiya iyo Soomaliya xiirrirkooda diblomaasiyadeed uu dib usoo noqday” Waxaa uuna u rajeeyay safiirka cusub in uu xiriirka labada dal kor usii qaado.
Soomaaliya ayaa waxaa ka socdo in wadamo badan ay hada ku howlan yihiin sidii ay safaaradahooda ugu furan lahaayeen.
–
Malik Abdalla
Communication Director
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia
Comments
comments