Hey’adda Nabadsugida Qaranka oo xabsiga dhigtay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Asluubta
Ciidamo ka tirsan Hey’adda Nabadsugida qaranka ayaa xiray saraakiil iyo ciidamo ka tirsanaa Ciidamada Asluubta, iyagoo kala baxay Xabsiga Dhexe oo ay ilaalo ka ahaayeen kuna sugnaayeen.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ilaa todobo ruux oo isugu jira saraakiil iyo askar loo xiray arrimo la xiriira sii deynta sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, oo dil ku xukunaa.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay maalmo ka hor ay xabsiga kala baxeen kalkaaliye caafimaad ka tirsanaa Ciidamada Asluubta oo magaciisa lagu soo koobay Tima Cade iyo Askari kale.
Bil ka hor ayaa la xiray Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar oo ahaa Colneyl ka tirsan Ciidamada Asluubta, kadib markii lagu soo eedeeyay inuu gacan ka geystay sii deynta maxaabiis ku jiray Xabsiga.
Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Hey’adaha ammaanka dowladda oo ku saabsan xariga raga isugu jiray saraakiisha iyo askarta ee loo xiray eedeymo la xiriira sii deynta maxaabiis qaarkood xukunaa.
Comments
comments