Hees Wacan: Soomaalaay Isgarowso (VIDEO)
Bartamaha — Kooxda  wadaniyiinta caanka ah ee Qeylo dhaan ayaa soo saartey mar kale Hees cusub oo wadani oo looga hadlaayo marxaalada maanta dalka Soomaaliya ku  sugan yahay iyo wacyiga  ka jira, heestaan ayaa magaceeda la yiraahdo ‘’Soomaalaay is garoowso’’.
Heestan cusub ayaa waxaa si wadajir ah ugu luuqaynaya codadkooda fanaaniinta kale ah: fanaan Xuseen Shire Jaamac ‘’Ciyaar Jecel’’ iyo fanaanada Shamso Mohamed Foot, islamarkaana waxaa miraha iyo laxankaba saaray fanaanka  Xuseen Shire Jama halka musikada u garaacay Mustafa Karaama laguna tumay studio Karaama oo ku yaal magaalada London.
Heesta ayaa si wadaniyad ah loogu cabirayaa marxaaladaha ka jira dalka Soomaaliya islamarkaana waxaa si gaar ah looga hadlayaa :
- Kuwa Qabuuraha gaboobay soo faganaya ama burburinaya
- Dambilayaasha dagaalka ee dalka Soomaaliya 20 sanadood burburka iyo dhibaatada weyn soo gaarsiiyay ee weli ka mid ah Baarlamaanka iyo Dowlada Soomaaliya
- Ajaanibta shisheeyaha ee dalka Soomaaliya gabaadka ka dhiganaya iyo islamarkaana dad Soomaaliya oo wadaado sheeganaya ay ugu baqayaan inay dalka Soomaaliya yimaadaan shisheeye dagaal doon ah, si dagaalada sokeeyaha ee ka socda dalka sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen islamarkaana dumarkii Soomaaliyeed ee sharafta lahaa in la siinaayo loogu yaboohayo hadii ay yimadaan.
- Heesta waliba waxay ka hadlaysaa in gogal shisheeye dhigay arimaha  danta u ah Soomaalida iyo Soomaaliya lagu dhamayn Karin islamarkaana ay haboon tahay in dadka Soomaaliyeed gartaan iyaga un aayaha dalkooda iyo sidii ay uga tashan lahaayeen faragalinta shisheeyaha danaha ka leh.
- Heesta waxay kale oo saadaalinaysaa in geesi Soomaaliyeed oo wadani ah uu soo bixi doono islamarkaana dalkana u barwaaqo noqon doono, dadkuna heshiin doonaa dadkuna ay farxi doonaan, colaadaha la weyn doono  insha Allah .
Fanaanka Xuseen Shire Jaamac ayaa iisheegay inay heestaan oo muuqaal leh ay soo saari doonaan dhawaan islamarkaana uu rajaynaayo fariinta ay xambarsan tahay heestan wadaniga ah inay qaadan doonaan dadka Soomaaliyeed.
Heestan cusub ee  SOOMAALAAY IS GAROOWSO waa hees aad u wanaagsan oo hadii aad dhagaysato kugu abuuri doonto dareen wadaniyadeed iyo qiiro markaad miraha fanaaniinta ay ku luuqaynayaan aad ka dhax aragto marxaalada dalka Soomaaliya marayo iyo dhibaatada aan dhamaadka lahayn ee aan ku sugan nahay dhamaanteen.
Cidkaloo Gurigayna
Gogal noo dhax dhigtaa
Garab noo noqotaa
Gacan noo fidisaa
Su’aal baa garab taalee
Soomaalaay Soomaalaay
Soomaalaay is garoowso
Dhamaad
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u soo jeedinayaa fanaanka Xuseen Shire Jama ‘’Ciyaar jecel’’ iyo Fanaanada Shamso Mohamed Foot oo run ahaantii hees wadani ah ‘’Soomaalaay Soomaalaay is garoowso ‘’oo ka hadlaysa wacyiga maanta lagu jiro islamarkaana u soo saarey inay umadda Soomaaliyeed ku wacyi galiyaan si dhibaatada looga baxo.
W/D:Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
London
Comments
comments