Hay’adda Amnesty International oo sheegtay in kufsigu uu Soomaaliya ka noqday wax iska caadi ah
Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ku sheegtay warbixin ay maanta oo Jimco soo saartay in weli gudaha Soomaaliya uu si baahsan uga socdo kufsiga haweenka, iyadoo hay’addu ay xustay inay jiraan dhibbanayaal badan oo aan sheegin kufsiga loo geystay iyagoo ka baqaya inay ceeboobaan.
Sarkaalad dhinaca la talinta dhibaatooyinka ah oo ka tirsan Amnesty oo lagu magacaabo, Donnatella Rovera ayaa sheegtay in weli kufsigu uu cabsi weyn ku hayo haweenka Soomaalida, gaar ahaan kuwa ku jira xeryaha barakacayaasha, kuwaasoo ay ku jirto gabar 13-jir ah oo lagu kufsaday kaam Muqdisho ku yaalla.
“Dhab ahaan laguma guuleysan karo in dhibaatooyinka galmada sharciga ka baxsan ee lagula kacayo haweenka iyo gabadhaha ku nool meelaha aanu ka jirin sharciga la xakameeyo, taasoo keentay in kufsiga uu si furan uga dhaco meelahaas,” ayay tiri Rovera.
Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay sannadkii hore ee 2012 ayaa lagu sheegay in xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla Soomaaliya ay ka dhaceen 1,700 oo kufsi.
Waxaana warbixinta Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa imaanaysaa iyadoo dawlada Soomaaliya ay dhistay guddi ilaaliya xuquqda aadanaha kaasoo warbixino uu soo saaray ku sheegay in la’aanshaha hay’ado dawladeed oo xoog leh ay keentay in tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanuhu ay ku faafaan Soomaaliya.
Comments
comments