Hay’adda Amnesty International oo ku eedaysay dawlada Soomaaliya inay si ula kac ah u barakicisay dad danyar ah
Hay’adda Amnesty International ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay barkicineyso qoysas dan yar ah oo an heysan meelo ay hooy ka dhigtaan.
“Labo qof oo rayid ah ayaa Ciidamada dowladdu ku dileen Warshadda Caanaha ee Magaalada Muqdisho kuwaas oo si xoog ah looga saarayay halkii ay deganaayeen” ayaa lagu yiri Warbixin ay soo saartay Hay’adda Amnesty International.
Ugu dambeyn Amnesty ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya ay xaq dhowrto dadka danyarta Soomaaliyeed ee aan heysan meelo ay gabaadsadaan.
Comments
comments
Category : Featured.