Hay’ada SEDHURO oo Magaalada Mogadshu ku qabatay aqoon isweydari ku saabsan khatarta rasaata iyo miinoyinka
Tababar looga hadlayo rasaasrta iyo hubaka looga tegay gudaha magaalada Muqdisho ayaa maalinimadii Sabtidii oo taariikhdu ahayd 17th Sept 2011kafurmay xafiiska Sedhuro ee magaalada Muqdidho.
Waxaa lagu casuumay saraakiishii hore ee aqoonta sugan ulahaa agabka hubaka iyo dhamaan wax yaabaha qarxa , waxay ay lafo gureen arimaha khatarta ah ee hubku uu ugaysanayo bulshada rayidka ee reer muqdisho Waxay soo saareen warbixino iyo talooyin wax ku ool ah oo ku aadan arintaas hubaka. Waxaa Siminaarkaan waciyogelinta Furey Wakilka Hayadaas SEDHURO Cabdulaahi xaashi Xasan isgoo sheegey in in Bulshada Soomaaliyeed ay si aad ah dhibaatooyin ugu qabaan Rasaasta iyo Waxyaabaha Qaraxa loona baahan yahay in Saraakiisha iyo Kuxigeenadooda ay talooyin wax ku ool ah ay gasysataan dhamaam arimaha laxirriira hubka iyo agabka qarxa ee looga tegay gudaha magaalada muqdisho iyo dhamaam aga gaarkeeda
Tan iyo markii ay dhaceen Dagaaladii sakeeye ee Soomaaliya dalka wxaa ku soo qulquley Hub Fara farabadan iyadoo weliba si aad ah loo Bililiqeystey Kaydadkii Hubka ee ee Dowladii Hore ee Milatariga iyadoo taasi ay jiri ayaa Hayadda Sean Deaveroux Human Rights Organization (SEDHURO) ayaa Maagalada Muqdisho ku soo gabagabeysey Barnaamij wacyi gelin ah oo loo qabtey Saraakiisha iyo Kuxigeenada Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya kazoo ku aadanaa habka looga hortago waxyaabaha Qaraxa iyto Rasaasta iyo Dhibaatooyoinka kala duwan oo ay u leeyihiin Bulshada.
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.