Hay’adda SOCHRO oo soo saartay Warasaxaafadeed ay uga hadlayso duqeyn dhawaan ka dhacday Muqdisho.
Bartamaha(Mudisho):-Hay’adda SOCHRO oo ah hay’ada u ololeysa Xuquuqda Caruurta ayaa soo saartay Warsaxaafadeed ay uga hadlayso duqeyn dhawaan ka dhacday Magaalada Muqdisho.
Warsaxaafadeed:-
Hay’adda SOCHRO waaHay,ad Difaacda Xaquuqda Caruurta Soomaliyeed, Una-Dooda, Xubin Ka ah Hay,ada Isku-xirka iyo Ilaalinta Caruurta Banadir, Child Ptotection Network Mogadishu- Somalia, (BCPN), Hay,adda SOCHRO Waxay Kaloo Ka Shaqaysa Howlaha Gar-gaarka Bani,aadnimadda, Hay,adda Fadhigeedu Waa Muqdishu- Somalia, Waxayna Ka Howl-Gashaa Koofurta iyo Bartamaha Goboladda Somaliya.
Waxaa War-saxaafadeedkan Maanta Kasoo Baxay Xafiiska Hay,ada SOCHRO, ka Hadlay Guddoomiyaha Hay,adda SOCHRO- Mr. Mataan Ali Hassan Oo Cambaareeyay, Weerarkii Duqeynta Shalay ay Geysteen Ciidamadda AMISOM, Oo Dad Badan Oo Rayid ah ay ku Xasuuqeen, waxaana dadka ay Inta badan ahaayeen dad rayidka oo gaaraya 60 ruux oo ku dhaawacmay Duqeymihii shalay ilaa xalay ayaa la geeyay isbitaalada ka Howl-gala Magaalada Muqdisho iyadoo qaar ka mid ah.
Dhaawacyadaasi ay u Geeriyoodeen, Tiradda Geeridda Waa 15 Qof, Oo ay kamid Yihiin, Qoys ka Kooban 3- Caruur iyo Waalidiintooda, Oo Ku Sugnaayeen Gurigooda, Waxaan sidoo kale Aan Cambaaraynaynaa Dowladda FKMG, Oo aan ka hadlin Xasuuqa Dadka Rayidka ay ku hayaan Ciidamadda AMISOM Oo Adeegsanaaya Hubka Halista ah,
Waxaan Sidoo Kale Aan Cambaaraynaynaa Maleeshiyadda Al-Shabaab iyo Xisbul- Islaam Oo Dhiiga Dadka Rayidka, Caadaystay in ay Daadiyaan, Oo aysan u Turin Dadka Rayidka Oo Muddada Dheer Dagaalada Kusoo Dhexjiray Waxaan Usoo Jeedinaynaa in ay Dhowraan Dadka Rayidka Oo Aan Wax-ba Galabsan, Sida Caruurta, Haweenka iyo Dadka Da,ada ah, Dadkaas Oo Maanta Aan Awoodin in ay ka Qaxaan Degaanadda ay Ku Nool-yihiin.Â
Waxaan Ka Wal-walsan, Nahay Xaalada Bani, aadnimo Ee Ka Ka siidaraysa Ee Ka Jirta Koobaha Lagu Barakacay, Ee ah Inta u Dhaxaysa Magaalada Muqdishu, iyo Afgooye, Â Gaar- ahaan Koofurta iyo Bartamaha Gobolada Soomaliya, Iyadoo Shaqo Joojin Lagu Sameeyay Hay,ada WFP- Somalia, Iyo Hay,adda Samafalka Ee Ka Shaqeeya, Howlaha Gar-gaarka Bani,aadnimada, Waxay talaabadaas ay Dhaxli Doonto, Xaalad Qatar ah.
Â
Waxaan Ugu Baaqaynaa Madaxda Al- Shabaab in ay Fasaxaan Hay,adda WFP- Somalia, si ay u Bilowdo Howlaha Raashin Qeybinta ay Ka Waday Koofurta Soomaliya, Si Loo Badbaadiyo Dadka u Dhibaataysan, Oo ay Ka mid Yihiin Caruurta, Haweenka, iyo Dadka Da,da ah, Waxaan Kaloo Ka Codsanaynaa in ay Joojiyaan Madaafiicda ay Ku Soo Ridaayaan Goobaha ay Ku Sugan Yihiin, Ciidmada AMISOM, iyo Dowlada FKMG, Si ayasn Ciidamada AMISOM, u adeegsan Hubka Culus Kaad Ku Rideen, Waxaan usoo Jeedinaynaa Dhinacyadda Isku- Haya Siyaasadda in ay Wadahadal Ku Dhameeyaan Khilaafaadkooda, iyo Nabaddana Fursad Siiyaan.
Â
Waxaan Ka Codsanaynaa Hay,adaha Samafalka Ee Ka Howlaga Koofurta iyo Bartamaha Goboladda Dalka in ay Sii Wadaan Howlahooda Ga-gaarka Bani,aadnimo ay u Hayaan Dadka Rayidka Oo Dagaalada Ka Barakaceen, Oo aan Haysan, Agabyadda Muhiinka ah  Ee Lagama Maar-maanka U ah Nolosha Bani,aadamka, Iyadoo La Dhowraayo Xeerarka Caalamiga Ee Dadka Barakacayaasha ah.
Â
F.G. WAA IN LA DHOWRNAA XAQUUQDA CARUURTA SOMALIYA.
Â
Mr. Mataan Ali Hassan
Chairman of SOCHRO
Â
Somali Child Rights Organization (SOCHRO Somalia)
Location Address:
HQ:
Mogadishu-Somalia
Office: 2521-854260
Mobile:2521-5577977Â
E-mail:
E-mail:
Comments
comments