Hay’adda Nabad sugidda oo Gacanta ku soo dhigeen gaari hub sida iyo dadkii la socday.
Khaliif Axmed Ereg Taliyaha nabad sugidda gobolka banaadir oo saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu sheegay inay ku guuleysteen inay Gacanta ku soo dhigeen gaarigan hub sida iyo dadkii la socday islamarkaana ay ku raad joogaan rag kale oo ay shegeen inee la shaqeyaan kuwa la qabtay
Wuxuu carabka ku adkeeyay Khaliif Axmed Ereg in hubkaasi loo waday gobollada dhexe ee Dalka Soomaaliya isla markaana ururka Al-Shabaab ay doonayeen inay kula dagaalamaan Ururka Ahlusunna. Hubka maanta ay saxaafadda u soo bandhigeen Taliska nabad sugidda Gobolka Banaadir ayaa wuxuu isugu jiray rasaasta qoryaha fud fudud iyo kuwa waaweyn.
Taliyaha nabad sugidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in hubka Ururka Al-Shabaab ay ku Dagaalamaan qaabkiisa uu sidan u muuqdo sida uu sheegay, wuxuuna farta ku goday in hubkaan ay ka arruuriyeen dad uu ku sheegay Caado qaatayaal oo ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG isla markaana hubka inta qarash yar laga siiyo haddane markale hubkoodii lagula Dagaalamo.
Ugu danbeytii Hay’adda Nabad sugidda markeedii ugu horeysay maahan oo ay soo bandhigto hub ay sheegtay inay leeyihiin Al-Shabaab Oo ay howlgal ku soo qabatay kal hore ayey sidaan oo kale dhowr jeer u soo bandhitay, ilaa iyo haddana ma jiro wax war ah oo ka soo Baxay ururka Al-Shabaab oo ku aadan hubkaasi.
Comments
comments