Hay’adda FSNAU o shaacisay in cunada soomaaliya soo kobceyso
Bartamaha  (Nairobi):- Warbixin ka soo baxday Hayadda Falanqaynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada (FSNAU) ayaa lagu sheegay in Cunada Soomaaliya ay soo hagaagayso.
Daraasad ay samaysay Hay’ada FSNAU ayaa waxa ay shaaca uga rogtay in xaalada Cunada Soomaaliya ay xiligan soo wanaagsanaanayso.
War-Saxaafadeed maanta lagu soo saaray Xarunta Hay’adan ee  Magaalada Nairobi ayaa waxa ay hay’ada sheegtay in xaaladda nafaqa yari ee dalka ka jiray sanadihii la soo dhaafay ay hoos u dhacday oo ay gaartay 25% oo u dhiganta in xiligan weli raashin ku filan heli karin ilaa 2-Milyan oo qof .
Xaalada nafaqo ee dalka ayaa waxa ay hay’adu ku tilmaameysa in ay sabab u tahay xilli roobaadkii gu’a oo si heer sare ah uga da’ay inta badan gobollada dhexe iyo Koonfurta.
Roobabka ka Da’ayay waqti dheer oo u dhaxeeyay bilaha April iyo Jun Ee e sanadkaan ayaa kor u qaaday Cunada ay heli karayaan dadka Soomaalida ah.
Sidoo kale war bixinta Hayadda Falanqaynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada (FSNAU)Â ayaa waxa ay tilmaameysaa in ay soo hagaagtay xaalada nafaqada xoolaha oo ay ku soo laabteen miisaankoodii dabiiciga ahaa kadib markii ay heleen daaq ku filan, waxaana dib u soo laabtay noloshii dadka xoolo dhaqatada ahaa oo muddooyinkii la soo dhaafay ay la soo gudboonaadeen dhibaatooyin dhanka cuna yarida ah.
Grainne Moloney oo ah madaxa la taliyaha dhanka farsamada Ee Hayadda Falanqaynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada (FSNAU) ayaa sheegay in arrinka ku saabsan nafaqada ee soo hagaagayo uu  ifafaalo wanaagsan u yahay xaalada dalka soomaaliya .
Warbixinta ayaa ka sheegtay in woqooyiga dalka laga dareemayo woxooga yar oo cuna yari ah  wallow ay  dhaanto dalka intiisa kale  hadane ay wali nafaqa darro la il daran yihiin 35.000 oo carruur ah.
Natiijooyinkaan ayaa waxa ay imaanayaan xilli uu dalka laga dareemayay muddo dheer  jilaal iyo roob la’aan taasi oo saamaysay dalka oo dhan oo 42% dadka Soomaalida ay u baahdeen in ay gargaar cunto ka helaan dalka dibadiisa.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Comments
comments