Calendar

Hay’ada WFP oo balan qaaday in ay sii wadanayso Howlaha gargaarka Soomaaliya.

alshabaab wfp Bartamaha(Nairobi):-Hay’ada WFP ayaa waxa ay balan ku qaaday in ay sii wadanayso shaqada gargaarka cuno oo ay soomaaliya ka wado ka dib markii shalay Alshabaab ay dalka oo dhan ka mamnuuceen.

Afhayeen u hadlay WFP oo ku sugan Nairobi ayaa waxa uu sheegay in shaqada gargaarka ah ay u wadaan somaalida balse aanay siinayn kooxaha sida Alshabaab oo kale.

Peter Somerton oo ah Afhayeenka WFP ayaa sheegay inShacabka Soomalaiyeed ay u baahanyihiin gargaar balse Mucaaradka ay ka xayirayaan garab qabadka dhibanayaashaasi oo raashin la siin jiray.

Afhayeenka hay’ada Cunada Aduunka ee WFP Peter Somerton waxa uu sheegay in ay raashinkoda gargaarka ah gaarsiinayaan deegaanada ay maamusho Dowlada iyo Kooxaha kale ee ka raaliga ah in garab la siiyo shacabka dhibanayaasha ah.

Mr. Peter ayaa ka gaabsaday in uu ku sii dheeraado ka hadalka hadalkii shalay Alshabaab ka soo baxay waxa uuna sheegay in aanu saamayn ku yeelan doonin war kasta oo Alshabaab ka soo yeera.

Hadalka WFP ayaa imaanaya xilli Alshabaab ay shalay soo saareen qoraal ay dalka oo dhan uga mamnucayaan WFP iyadoo Dowlada KMG ah ay ku baaqday in aan dhag loo dhigin hadalka Alshabaab.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: