Haweenay xalay koox hubaysan ay ku toogteen Xaafada Suuq Bacaad Degmada Yaaqshiid Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Kooxo bastoolado ku hubaysan ayaa xalay fiidnimadii hore diul toogasha ah kula dhaqaaqay haweenay ku sugnayd Xaafada Suuq Bacaad.
Dablayda ayaa la sheegay in ay dileen haweenay magaceeda lagu soo koobay Xaliima oo 28-jir ah taasi oo ku sugnayd Gudaha Xaafada Suuq Bacaad.
Dadka dagan Xaafada Suuq Bacaad ayaa wax iska weydiinayay dilka xalay loo geystay haweenayda Xaafada sida weyn looga bargaranayay.
Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa si weyn u soo badanayay dilalka ka dhacayay Xaafadaasi Suuq Bacaad oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid Muqdisho.
Waa dilkii ugu horeeyay oo qof Haweenay ah dhawaanahan loogu geysto Xaafdaasi iyadoo in ka bdan 12-ruux dhimashada dilalka bareerka ah ay sii dhaafayso dadkaasi oo qaarkood madaxa laga jaray.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments