Halyay Maxamed Cali Shire oo la dardaarmay Dhallinyarada Soomaaliyeed & qofkii jiir damqada uu ku yaal (VIDEO)
Qof si niyad ah wax kuugu sheega beryahan danbe way yar yihiin laakiin maanta ka faaiidaysta videogan gaaban oo aan idiinkaga soo duubnay halyay Soomaaliyeed oo heer qaran usoo matalay dalkeena.
Maxamed Cali Shire wuxuu ka mid ahaa xubnihii Golihii Sare ee Kacaanka ( Madaxdii milatariga ahayd ee 1969kii xukunka la wareegtay) ahna nin wax badan soo arkay, soona joogay xilligii Soomaaliya ay Milatariga Afrika xagga hore uga jirtay ayaa la dardaarmay dhallinyarada Soomaalida iyo waliba qofkii jiir damqada uu ku yaal. Wuxuuna u sheegay in ay dhallinta Soomaaliyeed shaqo weyn u taal ayna sugayso.
Maxamed Cali Shire oo markii xukunka ay qabsanayeen 1969kii ahaa Sareeye Guuto ayaa tilmaamay xilligii ay Addis Ababa milatariga Soomaaliya ay aadka ugu dhowaadeen, wuxuuna yiri “Bal maantana eega meeshaan taagan nahay”.
Comments
comments