Haddiyad loogu talo galay Boqoradda Ingiriiska oo ku cajabin doonta
Bartamaha — Nintendo Wii waxay qirteen inay yihiin soo saarayaasha mashiinka lagu ciyaaro kan ugu caansan, Dadka ku ciyaara hadda mashiinkan waxay ku darsan doonaan Boqoradda Ingiriiska. Laakiin waligaa haku fikirin in markay boqoraddu rabto inay Wii soo gadato ay kasoo qaadanayso Walmart ama dukaanka xaafaddiina ku dhegan, haddaadse rabto inaad boqoraddan da’da ah ka qosliso waa inaad kusoo xardhaysaa dahab (waa u sheegi lahayn Obama markuu IPod-ka siinayay boqoradda hadduu Bartamaha weydiin lahaa).
Ma ogtahay in guriga Boqoradda Ingiriiska dhowaan la gayn doono Aalad khaas u ah Queen Elizabeth, sida ay sheegtay THQ, waxay u diri doonaan Video Game-ka caanka ah oo lagu magacaabo Wii. Waxaana si gooni ah loogu talo galay boqoradda iyadoo lagu xardhay dahab, isla markaasna remote-kuna ruuxaddiisu uu ka samaysan yahay dahab.
THQ waxay rajaynayaan in boqoraddu ay ka heli doonto haddiyaddan. Alaabta la socota haddiyaddan waxaa ka mid ah ciyaaro cusub oo ay ka mid yihiin BIG Family Games.
Bartamaha Wararka & Madadaalada
Comments
comments