Guux Dagaal oo Laga dareemayo Muqdisho
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga soo sheegayaa in ay kasocoto sansaan colaaded tasoo ay wadaan xisbiyada magaaladaasi ku hirdamaya
Dhinacyada ayaa mid walba gaarkiisa udareemay dulaan lugu soo yahay, waxaana shakigan uu ka dambeeyey markii uu Madaxweynaha dowladda Faderaalka KMG ah ee Soomaaliya amray in ay ciidamadiisu qaadaan howlgalo wax looga qabanayo amaanka Muqdisho.
Al- Shabaab & Xisbul Islaam oo kala jooga fariisimo kala gedisan ayaa diyaarsaday ciidamadooda iyo hubkooda waa weyn, si ay ula dagaalamaan ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya hadii ay isku dayaan in ay qaadaan talaabooyin Milateri.
Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa ku sheegay hadalka Madaxweynahooda in si kale loo qaatay, isla markaasna uusan Madaxweynuhu oran dagaal ha la qaado, balse uu qiray in loo baahan yahay in magaalada nabad laga dhigo nabadgalyo.
Al- Shabaab hadal hayeen uhadlay ayaa usheegay APL in ay iska difaaci doonaan dagaal uga yimaada waxa ugu yeeray dawladda ku taagag gacmaha reer galbeedka, isago sheegay in aysan dabcin mowqifkooda ku aadan dagaaladii, balse ay doonayaan in ay ka war sugaan in ay dawladda Faderaalku bixiso ciidamada Shisheeye ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.
Xisbul Islaam ayaa sheegay in ay diyaar uyihiin dagaal walba oo lugu soo qaado, waxaana sarkaal uhadlay uu usheegay Saxaafada in ay qaadayaan talaabo kasta oo ay kaga hor-tagayaan dagaaladaasi.
Hanjabaadaha iyo hadalada ka soo baxaya dhinacyadan ayaa muujinaya saxan-saxo colaadeed oo xoog leh, waxaana maalmihii ugu dambeeyey ay dhinacyadu isku eedaynayeen qolo-qolo, ayadoo waxyaabihii laysku eedaynayeen ay ahaayeen hub lasheegay in ay xukuumada Asmara soo galisay gudaha dalka Soomaaliya.
Siyaasiinta la socda xaalka Muqdisho ayaa ku macneeyey dhiilada colaadeed ee cusub mid keeni karta dagaalo ba’an oo ay ku wiiqanto dawladda jilicsan ee Soomaaliya, oo taageero aan badneyn ka heysta ciidamada nabad sugayaasha Africa oo ilaalo ka haya aqalka Madaxtooyada, dekeda & garoonka Muqdisho oo ah goobaha kaliya ee ay kataliso dawladda Soomaaliya.
Comments
comments