Calendar

Gudoonka sare Ee Baarlamanka Soomaaliya oo wadamada Carabta codsi iyo dhaliilba u jeediyay.

dhalxaBartamaha (Muqdisho) Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa baaq iyo dhaliilba u jeediyay Wadamada ku mideysay Jaamacada Carabta.

Gudoomiye ku xigeenka 1–aad Ee Baarlamanka Prof.Maxmed Cumar (Dalxa) oo la hadlayay saxaafada ayaa sheegay in Jaamacada Carabta ay indhaha ka qabsatay dhibaatada haysata shacabka Soomaaliyeed.

Prof.Dalxa ayaa sheegay in Wadamada Carabta ay dhibaatada xiligan ku Eeganayaan shacabka soomaaliyeed oo ay saameeyeen dagaalada ka jira dalka kuwaasi oo qaarkood aan heysan goob ay gabbaad kaga dhigtaan cadceeda iyo qabowga dushooda ku dhacaya.

Gudoomiye xigeenka ayaa baaq u jeediyay Dowladaha Carab iyo shucuubtoodaba in ay soo eegaan dhibatada xiligan haysata qoysaska soomaaliyeed.

Masuulkaasi ayaa ka codsaday shacabka Muslimiinta ah in ay soo gar-gaaraan dadka baahida ay haysato kuwaasi oo xiligan ay ku guda jira bisha Ramadan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: