Gudoonka Baarlamanka Soomaaliya oo guddi u saaray la xisaabtanka Xukuumada .
Bartamaha (Muqdisho) Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlada Soomaaliya oo maanta shirjaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa sheegay in ay gudi u saareen la socodka shaqooyinka Wasaaradaha.
Sheekh Aadan Madoobe Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay guddi u saareen la xisaabtanka Wasaaradaha Dowlada .
Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in ay kulan ka yeesheen qaabkii loo howlgalin lahaa guddi loo xilsaarad la socodka Shaqooyinka Wasaaradaha.
Sidoo kale gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in dhawaan ay bilaaban doonaan kulamadii guud Ee Golaha Baarlamanka Soomaaliya.
Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin hadalada aan laga fiirsan oo ay ku dhawaaqayaan qaar ka mida Xildhibaanada.
Dhawaan ayay markii qaar ka mida Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ay ugu baaqayeen gudoonka in uu bilaabo kulamada Baarlamanka muddo Todobaad gudihiis ah.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments