Gudoonka Baarlamanka oo ka hadlay hadalkii shalay lagu shaaciyay in waqtiga madaxda baarlamanka uu dhamaaday.
Bartamaha(Muqdisho):-Guddoonka sare Ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa ka iska difaacay hadal shalay ay jeediyeen xubno ka mida Baarlamanka Soomaaliya oo dalbaday in xilka uu wareejiyo Gudoomiyaha Baarlamanka.
Prof.Maxamed Cumad Dalxa gudoomiye Xigeenka 1-aad Ee Baarlamanka Soomaaliya oo warfidiyeenadsa la hadlayay ayaa sheegay in aanu waqtigooda dhamaanin islamarkaana loo baahanyahay in xildhibaanadaasi ay sharciga ogaadaan.
Gudoomiye Xigeenka 1-aad ayaa sheegay in xildhibaanada sheegay in uu dhamaaday waqtiga Gudoonka Baarlamanka ay yihiin kuwa diidan jiritaanka Dowlada islamar’ahaantaana ay doonayaan khilaaf kala qoqob xildhibaanada dhexdooda ah.
Gudoomiye Xigeenka Baarlamanka ayaa waxa uu sharci daro ku sheegay kulamada ay yueelanayaan xildhibaanada oo aanay la ogayn madaxda sare ee Baarlamanka isagoo digniin u jeediyay.
Hadalka masuulkaasi ayaa ku soo aadaya xilli shalay xildhibaano Muqdisho ku kulmay ay sheegeen in Madaxda Baarlamanka waqtigoda idlaaday oo looga baahanyahay in guddoon cusub ay doortaan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments