Calendar

Gudoomiyihii Maxkamadaha Magaalada Baladweyne oo xalay is casilay.

baladweynbeBartamaha (Muqdisho):-Sheekh Aadan Jilibey oo ahaa gudoomiyihii Maxkamadaha islaamiga magaalada Baladweyne ayaa xalay waxa uu shaaca ka rogay in uu jagadii uu ka hayay maamulkaasi uu iska dhigay.

Sheekh Aadan Jilibey ayaa ku qeexay is casilaadiisa dalab ay u soo jeediyeen beesha uu ka dhashay taasi oo ka dalbatay in uu ka dhexbaxo dhinacyada siyaasada isku haya isla markaana uu is casilo.

Sheekh Aadan ayaa sheegay in uu ka aqbalay hadalka u sheegay in ay soo jeediyeen duqowda iyo wax garaka beesha uu ka dhashay oo uu tilmaamay in horey ay u dhiibatay jagadaasi.

Wadaadkaasi ayaa iska fogeeyay in uu si rasmi ah uu ugu biiray mucaaradka dowlada ama  handadaad uu kala kulmay raga ka soo horjeeda qaabka maamulka Hiiraan.

Gudoomiyaha Maamulka Baladweyne is casilaadiisa ayaa ku soo aadaysa xilli gobolkaasi ay soo galeen ciidamada Itoobiya iyadoo ay diyaargarow weerarna ay wadaan kooxaha islaamiyiinta gobolkaasi ku sii xoogaysanaya.

Xarunta Wararka Xaqiiqda ah www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: