Calendar

Gudoomiyihii hore Ee Gobolka Mudug oo xabsiga la dhigay ka dib markii lagu tuhmay Dilkii wasiirkii Warfaafinta Puntland.

CBartamaha(Gaal-Kacyo):-Gudoomiyihii hore Ee Gobolka Mudug C/nuur Maxamed Diiriye (Geesey )ayaa xabsiga Magaalada Gaal-kacyo la dhigay ka dib markii lagu Eedeeyay dilkii Wasiirkii warfaafinta Seefta Banaanka.

Ciidamada Ammaanka Magaalada Gaal-kacyo ayaa shalay galinkii danbe waxa ay xabsiga dhegeen C/nuur Maxamed Diiriye ka dib markii looga shakiyay in uu lug ku lahaa dilkii Seefta Banaanka.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Gobolka Mudig oo wax laga weydiiyay sababaha masuulkaasi loo xeray ayaa waxa uu sheegay in madaxda Pubntland ay amarkaasi bixiyeen ka dib markii ay uga shakiyeen in uu wax ka ogaa abaabulka dilkii wasiirkii Warfaafinta Puntland.

Col:Siyaad Maxamed Bilcin ayaa saxaafada u sheegay in Ciidamada Ammaanka magalaada Gaal-kaco la siiyay amarka lagu soo xerayo c/nuur geesey balse aanay dhankooda qaadan go’aanka lagu soo xeray masuulka.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa magaalada Gaal-kacyo waxaa ka taagna ammaan daro baahsan iyadoo Gudoomiyihii la xeray oo xalay Xabsiga ku baryay la sheegay in dhowr jeer uu Eedeynta ammaan darada dusha ka saaray taliska Booliiska.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: