Gudoomiyihii hore Ee Gobolka Banaadir oo Amisom ku tilmaamay Mishaar sugayaal.
Bartamaha(Nairobi):-Gudoomiyihii hore Ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere ayaa shaaca ka qaaday in Amisom ay dalka u joogto mishaar bileed oo kaliya isagoo weeraray qaabka shaqada Amisom.
Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere†ayaa sheegay in Amisom aanay dalka Soomaaliya u joogin danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed balse ay mishaarka ay qaadanayaan ay muhiim ka dhigteen.
Maxamed Dheere ayaa tilmaamay in aanay noqonaynin Dowlada wax ku kooban Dakada,Garoonka iyo Madaxtooyada oo Ciidamada Amisom lagu hoos dhuumanayo isagoo sheegay in sidaasi aan dowladnimo lagu gaaraynin.
Gudoomiyihii hore Gobolka Banaadir ayaa soo dhaweeyay Maamulka Cusub Ee Gobolka oo haatan shaqa wanaagsan dalka ka wada isagoo ugu baaqay in looga baahanyahay Dowlada in ay garab siiso Maamulkaasi.
Maxamed Dheere oo haatan dibad joog ah ayaa waxa uu hadalkiisa ku soo koobay in aanay dalka xiligan siyaasad lagu biro ka jirin islamarkaana uu isaga ka jeclaaday in uu ku noolaado Nairobi.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments